Alshabaab oo gubay tuulada Mareerey iyo cabsi ka jirta magaalada Balcad

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa dab qabadsiiyay dhammaan guryihii ku yiil tuulada Mareerey oo qiyaastii 5km dhinaca Waqooyi Bari ka xigta degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Gubista tuuladan ayaa la xiriirta kadib markii dhawaan ay gaareen tuulooyin ku dhow dhow degmada Balcad ciidamada dowlada kadibna dib isaga soo laabtay.

Alshabaab ayaa waxa ay ku eedeeyeen dadka degen deegaanada ay gubeen inay soo dhaweeyeen ciidamada dowlada oo saacado kooban halkaas ku sugnaa.

Wararka ka imanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in dagaalamayaasha Alshabaab ay soo weeraraan degmada iyadoo hore dhowr jeer ay soo weerareen.

Boqolaal qoys oo ku noolaa tuuladaas ayaa ka barakacay iyagoo u cararay deegaanada u dhow dhow iyo degmada Balcad oo illaa 37km u jirta caasimada dalka ee Muqdisho.

Dadka ku nool degmada Balcad ayaa gargaar u fidiyay qoysaska ka soo barakacay tuulada Mareereey iyadoo aysan jirin hay’ado gargaar iyo maamul gacan ka geystey sidii dadkaasi loo gargaari lahaa.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa hore u gubay tuulada MukayDheere oo ku dhow tuulada Mareerey iyadoo qoysaskii ku noolaana ay ka barakaceen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More