Maraykanka;”Weerarka Ruushka ee Ukraine waxaa ka dhalan kara uu khasaare badan”

Jeneraalka ugu sareeya Mareykanka Mark Milley ayaa sheegay in haddii Ruushka uu ku duulo dalka Ukraine natiijada ka dhalata ay noqon doonto mid aad looga naxo, islamarkaana ay sababi karto khasaarooyin badan.

Gen Milley ayaa ku tilmaamay 100,000 oo askari oo Ruush ah oo la geeyay meel u dhow xuduudka Ukraine inuu yahay kii ugu ballaarnaa tan iyo dagaalkii qaboobaa.

Laakin Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in wali khilaafka looga baaqsan karo dhinaca diblumaasiyadda.

Ruushka ayaa beeniyay inuu qorsheynayo inuu duulaan ku qaado, wuxuuna sheegay in taageerada Mareykanka ee Ukraine ay khatar tahay.

Shir jaraa’id oo uu Jimcihii ku qabtay xarunta Pentagon-ka, ayuu Gen Milley – oo ah sarkaalka ugu sarreeya milateriga ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden – ka digay in baaxadda ciidamada Ruushka ee ku dhow xadka uu la wadaago Ukraine uu la macno yahay weerar uu cawaaqib xun yeelan doono.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay inuu ka caawiyo Ukraine inay is difaacdo, oo ay siiso hub badan.

“Khilaafku maaha mid lama huraan ah, weli waxaa jira waqti iyo boos diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Mr Austin, isagoo ugu baaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu xaaladda dejiyo.

“Ma jirto sabab ay xaaladdan colaadeed u rogto… wuxuu amri karaa ciidamadiisa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale Jimcihii, Madaxweyne Biden wuxuu sheegay inuu tiro yar oo ciidan ah u diri doono Bariga Yurub muddada dhow, si loo xoojiyo joogitaanka Nato ee gobolka. Ma uusan cayimin halka la dejin doono iyo goorta ay imaan doonaan.

Horaantii todobaadkan, Pentagon-ka ayaa sheegay in ay heegan ku jiraan 8,500 oo askari oo diyaar u ah dagaalka, kuwaas oo diyaar u ah in la geeyo waqti gaaban.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa reer Galbeedka ku eedeeyay inay iska indha tireen walaaca dhanka ammaanka ee Ruushka.

Laakiin waxa uu sheegay in uu daraasad ku samayn doono jawaabta Maraykanka ka hor inta aanu go’aansan waxa uu samaynayo, sida laga soo xigtay aqalka Kremlin-ka ee laga akhriyey baaqii u dhexeeyay Mr Putin iyo dhiggiisa Faransiiska.

Faransiiska ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay isla garteen baahida loo qabo in xiisadda la qaboojiyo, waxaana madaxweynahooda Emmanuel Macron uu u sheegay Mr Putin in Ruushka uu ixtiraamo madaxbannaanida dalalka deriska la ah.

Digniintan ka soo baxday Pentagon-ka ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu u sheegay suxufiyiinta inaysan argagax ku abuurin ciidamada Ruushka ee isku diyaarinaya soohdinta dalkiisa.
Ruushku bishii hore waxa uu dalabyo amni oo balaaran u soo jeediyay Galbeedka, oo ay ka mid yihiin:

Ukraine waa in laga mamnuucaa inay ku biirto Nato
Nato waa in ay soo afjartaa dhaq-dhaqaaqa milatari ee bariga Yurub, iyada oo ciidamada ka saaraysa Poland iyo jamhuuriyada Baltic ee Estonia, Latvia iyo Lithuania.
Isbahaysigu waa in aanu gantaalada geyn dalalka u dhow ama xuduudka la leh Ruushka

Maraykanka iyo Nato ayaa ka jawaabay iyagoo sheegay in Ukraine ay xaq u leedahay inay doortaan xulafadeeda, laakiin waxay u soo bandhigeen Ruushka wadahadal ku saabsan meelaynta gantaallada iyo arrimo kale.

Haddii uu Ruushku ku duuli lahaa Ukraine, ma noqonayso markii ugu horreysay.

Ruushka ayaa ku daray jasiiradda Crimea ee koonfurta Ukraine sanadkii 2014. Waxa ay sidoo kale taageertaa fallaagada qabsatay dhul badan oo ka tirsan bariga Donbas, ilaa 14,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay halkaas.

Xigasho;BBC

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More