Guddiga Doorashada Somaliland oo soo saaray jadwalka 8 kuris oo ka mid ah Golaha Shacabka

Guddiga maamulka doorashada xildhibaanada Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada 8 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Jadwalka doorashada ee ay guddigan soo saareen ayaa waxaa uu dhigayaa in doorashada siddeedaan kursi ay dhici doonto taariiqdu marka ay tahay 2da bisha Febraayo 2022 oo ku beegan maalinta Talaadada ah ee soo socota;

Kuraastan la shaaciyay ayaa waxa tirsigoodu iyo xildhibaanada hore ugu fadhiyay ay kala yihiin;

1-HOP#270. Zakariye Xuseen Caarre
2-HOP#271. C/man Maxamuud Caateye
3-HOP#218. Cabdow Maax Faarax
4-HOP#226. Maryan Maxamuud Ciise
5-HOP#269. Maxamed C/hi Kaamil
6-HOP#268. Maxamed Cali Xaggaa
7-HOP#267. Seynab Maxamed Caamir
8-HOP#236. Cadnaan Cismaan Cilmi “Boqore”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More