Antonio Guterres oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday xarunta Xalane

Mar 24 (Jowhar.com) -Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay lagu qaaday xarumo ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray aywuu ku muujiyay in Qaramada Midoobay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada

“Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna u rajeynayaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Wuxuu ku baaqayaa in dambiilayaasha weerarka geystay cadaaladda la horkeeno.

Weerarkii shalay lagu qaaday mid ka mid ah albaabka laga galo garoonka diyaaradaha Aden Cadde ayaa waxaa sheegtay ururka Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More