Meydka Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo la geynayo magaalada Muqdisho

Mar 24 (Jowhar.com) -Meydka allaha u naxarisitee Aamino Maxamed Cabdi ayaa lagu wadaa in laga soo qaado magaalada Beledweyne iyadoo lagu aasayo caasimada dalka ee Muqdisho.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in meydka marxuumada laga soo qaadayo magaalada Beledweyne.

Allaha u naxarisitee Aamino Maxamed Cabdi ayaa xalay qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa waxa uu ku diley afaafka hore ee Madaxtooyada Hirshabelle ee magaalada Beledweyne.

Sidoo kale qarax kale ayaa lala beegsaday dadkii la socday dadkii ku dhaawacmay qaraxa hore waxaana gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay afaafka hore ee isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More