Askari degmada Balcad ku dilay Darawal gaari oo gacanta lagu soo dhigay.

Nov. 29 (Jowhar.com) -Ciidamadda amniga ayaa gacanta kusoo dhigay askari saaka degmada Balcad ku dilay nin darawal ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Saylax Gaadaay.

Gacan ku dhiiglaha ayaa la soo qabtay isagoo isku dayaya inuu ka baxsado gacanta laamaha amaanka, waxaana la sheegay inuu dagaalamay, walow aan la soo warin khasaare ka dhashay.

Xogaha la helayo waxey sidoo kale tilmaamayaan in ninka dilka saaka geystay loo soo qaaday magaalada Muqdisho oo uu haatan ku xiran yahay xarunta C.I.D, iyadoo la horgeyn doono maxkamadda ciidamadda qalabka sida.

Marxuum Saylax Gaadaay oo darawal ka ahaa gawaarida ka dhex shaqeysa Banaadir iyo Sh.Dhexe waxaa loo dilay 10 Kun oo Shiling Soomaali ah, lacagtaas oo uu weydiistay askariga gacanta lagu soo dhigay oo fadhiyay Isbaaro halkaasi u taalay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More