Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la dilay & shaqsigii dilay oo isna la toogtay.

April 07 (Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho loogu geystay askari ka tirsanaa ciidamada Minishiibiyo, xili uu ku guda jiray shaqooyinkiisa caadiga ah.

Dilka oo si gaara uga dhacay Waaxda 3-aad deegaanka Garasbaaleey ee Geedi Firdhiye ayaa waxaa geystay shaqsi bistoolad ku hubeysan, kaasoo sidoo kale watay Kaamiro uu ku duubayay sida toogashada uu u fulinayay iyo Mobile la sheegayay in laga hagayay.

Ciidamada amaanka oo bar kontrol ku lahaa aagga halka dilka uu ka dhacay ayaa ku soo baxay dhawaqa rasaasta, iyadoo dadka deegaankana ay u sheegay in ruuxa cararayay uu dilay askari ciidan, taasoo keentay ciidamadii booliska iney rasaas ku furaan, waxeyna sababtay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Taliyaha qeybta galbeed booliska Yaasiin Ganeey, Kuxigeenkiisa Bashiir Durqun iyo Afhayeenka booliska C/fitaax ayaa warbaahinta u soo bandhigay meydka gacan ku dhiiglaha iyo agabkii uu watay, iyagoo laamaha amaanka ku bogaadiyay howlgalkan ay fuliyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More