Askari ku diley magaalada Hargeysa haweeney u shaqeyneysay maamulka Somaliland

May 03(Jowhar.com) –Askari ka tirsan ciidamada Maamulka Somaliland ayaa ku diley haweeney lagu magacaabi jirey Najmo Cabdulaahi bartamaha magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askarigan uu rasaas ku furay gaari ay wadatay Najmo Cabdulaahi oo ka mid ahayd shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Maamulka Somaliland.

Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu dilka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay askariga falka geystay, kaasi oo isku dayey inuu baxsado.

Dilka loo geystey gabadhan ayaa waxaa aad uga xumaaday ururada bulshada rayidka ah iyadoo lagu eedeeyay maamulka Somaliland inaysan tixgelin xuquuqda aadanaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More