Faahfaahin Weerar Alshabaab ku qaaday Saldhigga Cidamada ATMIS ee Ceel Baraf

May 03 (Jowhar.com) – Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo la xiriira weerar ku billowday qaraxyo oo maleeshiyaadka ALshabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaasha Alshabaab ay la wareegaan saldhigga ayna ka carareen ciidamada ATMIS ee wadanka Burundi ka socda saldhigga ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/dhexe.

Ugu yaraan afar askari oo ka mid ah ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa ku dhintey weerarkan halka shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalamayasha Alshabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen xarunta ay ciidamada ATMIS ku lahaayeen Ceel Baraf.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee lagu qaado ciidamada ATMIS tan iyo markii laga bedelay howlgalka AMISOM.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More