ATMIS oo ka hadashay dil ciidamadeeda ay ka geysteen magaalada Muqdisho

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

Feb. 04 (Jowhar.com)-Taliska ciidamadda Midowga Afrika ee ka howlgalla dalkan ee ATMIS ayaa ka hadlay dil mid kamida askartooda uu shalay isgoyska Ceelgaabta ugu geystay Wiil dhalinyaro ahaa.

Qoraal ka soo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay iney ka qoomameynayaan falkan uu askarigooda ku dilay wiil kamid ahaa dhalinyarada Darbi Jiifka ah.

“Hawlgalka ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waxa uu ka qoomamaynayaa falkii toogashada ahaa ee mid ka mid ah askartooda uu shalay ka gaystay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ATMIS.

ATMIS oo shacabka ka dalbatay ineg is dajiyaan ayaa sababta dilkan ku micneysay in marxuumka uu wax kusoo tuuray kolonyada ay wateen ciidanka, sidoo kalena uu isku dayay inuu soo fuulo, taasoo askarta ku abuurtay shaki.

“ATMIS ayaa tan & marka uu dhacay baaritaan madaxbannaan ku billowday falka, waxayna ku baaqeen deganaan, maadaama ay baaritaanadu socdaan,” ayaa markale lagu yiri.

Si kastaba, ATMIS ma sheegin wax talaabo ah oo laga qaadayo askariga dilkan geystay, iyadoo dhowr jeer oo hore ay dhacday in ciidamo kuwooda ah oo dil geystay ay si nabad gelyo ah uga tageen goobta, mana muuqato wax talaabo ah oo dowaldda ku difaaceyso muwaadiniinteeda sida bareerka ah loo diklayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More