Axmed Madoobe iyo Guddiga FEIT oo ka wada hadlay doorashada16 kursi ee Ceelwaaq

April 17 (Jowhar.com)– Madaxweynaha maamulka  Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka, kuwaasoo barqanimadii maanta gaaray magaalada Kismaayo.
Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee loo wareejiyay Magaalada ceelwaaq iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo Madaxweynahu uu balan qaaday in Jubaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin.

 

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ku amaanay sida ay ugu fududeeyeen shaqada guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubaland,isagoo dhinaca kalena raja wanaagsan ka muujiyay in si nabdoon ay ugu soo dhamaato doorashada kuraasta Ceelwaaq.

 

Waxaa muuqata in isbedel kooban uu ku yimid jadwalkii guddiga doorashada Jubaland ay hore u soo saareen, qorshaha waxa uu ahaa in beri la doorto hal kursi, waxaase haatan jira warar sheegaya in mas’uuliyiintan ay talaadada tagi doonaan magaalada Ceelwaaq, halkaas oo ay qiimeyn doonaan goobaha doorashada.

 

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ayaa 14kii April 2022 xaanshi uu soosaaray ku wareejiyay deegaan-doorashada labaad ee DG Jubbaland oo ahayd Garbahaarey kana dhigay Ceelwaaq “kaddib markii maamulka hoostaga Villa Somalia uu si toos ah u diiday in guddiyada howshaan u xilsaaran ay tagaan” sida hadalka loo dhigay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More