Axmed Madoobe iyo Mustaf Cagjar oo wadahadal gaar ah ku yeeshay Addis Ababa

Apr. 30 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa xalay kulan la qaatay madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), kulanka oo casho ahaa waxa uu ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Sida macluumaadka la helayo ay tilmaamayaan, masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo saacado badan qaatay oo lagaga arrinsaday iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan.

Waxa ay si gaar diirada u saareen qorshaha Jubaland ay ku damacsan tahay iney kooxda Al-Shabaab uga saarto deegaanadadeeda , si gaar ah gobolka Jubbada Dhexe oo gabi ahaantiisba ay maamusho Al-Shabaab, halkaasoo hoggaanada kooxdaasi ay ku nool yihiin.

Mr. Cagjar ayaa u balanqaaday madaxweyne Axmed Madoobe in ka maamul ahaan ay taageero kala duwan siinayaan, waxa uu sidoo kale ku amaanay sida Jubaland ay isugu diyaarisay iney xoreysato deegaanada wali gacanteeda ka maqan.

Si kastaba, Madaxweyne Axmed Madoobe oo maalmahan socdaal ku jooga dalka Itoobiya ayaa la filayaa inuu kulan gaar ah la qaato ra’iisul wasaare Abiye Axmed, isu soo dhawaanshaha labada dhinac waxaa ka shaqeeyay Imaaraatka Carabta oo Jubaland ka doonaya dekeda magaalada Kismaayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More