Baarlamaanka oo si aqlabiyad leh ku ansixiyay mudo kordhin uu ka dalbaday Xamse.

July 25 (Jowhar.com)-Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedinta Ra’isul Wasaare Xamze Cabdi Barre oo ahayd in 10 maalmood loogu daro waqtiga magacaabista Golaha Wasiirada oo ka bilaabaneyso maanta oo 25-ka Luulyo ah kuna eg 4-ta bisha Agoosto.

Kulanka maanta waxaa soo xaadirtay 145 Xildhibaan, waxaa diiday hal mudane, waxaana codsigii ra’iisul wasaare Xamze ogolaaday 144 mudane, mana jirin xildhibaan ka aamusay, sida ay ku dhawaaqeen gudoonka golaha shacabla.

Kulanka maanta waxaa shir gudoomineysay kusimaha gudoomiyaha golaha shacabka ahna gudoomiye kuxigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin, maadaama aanu shirka gudoomin karin gudoomiye Aadan Madoobe oo ah kusimaha madaxweynaha dalka, maadaama Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka ka maqan yahay.

Tan iyo sannadkii 1960-kii dhaqanka siyaasadda Soomaaliya ayaa ahaa in Ra’iisul Wasaaraha uu Golihiisa Wasiirrada kusoo magacaabo muddo 30 maalmood ah, balse lama ogga waxa uu noqon doono go’aanka xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More