Ciro oo shaaciyay talaabooyinka ay qaadayaan, hadii doorashada dhaafto 13-ka November.

July 25 (Jowhar.com)-Musharraxa Madaaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa digniin culus u jeediyay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoo digniintan ay salka ku heyso doorashada madaxweyne.

Cirro oo wariyayaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in doorashada aysan dhaafi karin xiliga lagu balamay oo ah 13-ka November ee sanadan, wuxuuna tilmaamay in mudadaas wixii ka danbeeya ay kursiga u siman yiniin musharixiinta iyo madaxweyne Biixi.

“Haddii Muuse Biixi Cabdi uu doorashada qaban waayo 13ka November 2022 kursiga wuu inoo siman yahay, mana aqbali doonno tallaabo weliba oo daan-daansi ah, talada oo cid gaar ah marooqsata waa cadawga 1aad ee Nabadda”  ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu dhinaca kale sheegay iney dib u bilaabi doonaan banaanbaxyadii ka dhanka ahaa mudo kororsiga uu doonayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dibadbaxayaasha ay ka dhici doonaan guud ahaan gobolada Somaliland.

“Taageerayasha Axsaabta Mucaaradka waxa aan u sheegeynaa in dib loo billaabi doono mudaharaadyadii nabadda ahaa oo dhammaan ka qabsoomi doona Gobollada, Xukuumadda kama aqbali doonno in ay xukunku ku xalaalsato cabsi gelinta Dadka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Musharrax Cirro ayaa sidoo kale beeniyay in uu haysto ciidan-beeleed, kadib markii dhawaan xisbiga Kulmiye ku eedeeyay inuu ciidan beeleed haysto, wuxuu kaloo sheegay in xisbiyada mucaaridka ahi ay qaadi doonnaan tallaabooyin qorsheysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More