Beesha Caalamka oo si kulul uga hadashay duqeymaha ku socda magaalada Laascaanood

Feb. 15 (Jowhar.com-Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka laascaanood, wax walba miiska wadahadalka lagu dhameeyo, iyagoona sidoo kale ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay ogolaadaan in gurmad bini’aadannimo la gaarsiiyo dadka barakacay iyo kuwa ku sugan gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayey ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin duqeymaha aan kala joogsiga leheyn ee ciidamadda Somaliland ku beegsanayaan kabaayaasha dhaqaalaha ee xarunta gobolka Sool iyo dadka faraha badan ee ku dhimanaya madaafiicdan.

Qoraalkooda ayey kaga digeen xaalado bini’aadanimo oo ka dhalan karta barakaca baahsan ee ay shacabka sameynayaan, iyadoo hay’adaha snaafalka ay ku adag tahay iney gaaraan goobaha ay qoysaska qaxay dageen, si ay u caawiyaa .

“Saaxiibada Beesha caalamka waxay si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan. Waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si deg deg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah ” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Si kastaba, maalinkii 10-aad oo xiriir ah ayuu dagaal culus ka socdaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamadda Somaliland iyo dadka deegaanka oo dalbanaya in Somaliland dhulkooda uga baxdo, waxaana dagaalka barbar socda madaafiic culus oo lagu soo garaacayo magaalada Laascaanood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More