Booliska Kenya oo gacanta ku dhigey 3 maxbuus oo ka baxsatay xabsiga Kamiti ee magaalada Nairobi

Saddex maxbuus oo ka tirsanaa urur argagixiso oo xabsiga ka baxsaday ayaa lagu qabtay bariga Kenya, xilli ay isku dayayeen inay u baxsadaan dalka Soomaaliya.

Raggan dib loo soo qabtay Axadii ayaa ka baxsaday xabsiga sida weyn loo ilaaliy ee Kamiti oo ku yaala caasimadda Nairobi.

Musharraf Abdalla, Joseph Juma iyo Mohamed Ali Abiikar ayaa mar kale laga soo qabtay meel 300km (186 mayl) u jirta caasimadda.

Maxamed Cali Abiikar ayaa lagu helay danbi ah inuu ka qeyb qaatay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee lagu dilay 148 qof sanadkii 2015-kii.

Mid ka mid ah ragga kale ee baxsadka ah ayaa la xiray sanadkii 2012-kii, waxaana lagu eedeeyay weerar lagu fashiliyay Baarlamaanka Kenya iyo kii saddexaad oo doonayay inuu ku biiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ayaa Twitter-ka ku soo qoray sawirka saddexdan qof

Eedeysanayaasha ayaa ka baxsaday xarunta sida weyn loo ilaaliyo, taasoo keentay in Madaxweyne Uhuru Kenya uu shaqada ka ceyriyo Madaxii Xabsiga Kenya.

Booliska la-dagaalanka argagixsada ayaa bilaabay hawlgal ballaaran oo ay ku ugaarsanayaan kuwa baxsadka ah ka dib amarkii madaxweynaha ee ahaa in saddexda qof ee la xukumay dib loo soo xiro wax kasta oo ay tahay.

Abaalmarin lacageed oo dhan 60m oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta ($535,00:£396,000) ayaa loo ballanqaaday cid kasta oo keenta xog ku saabsan halka ay saddexdan qof ku sugan yihiin.

Dhowr sarkaal oo kale oo sarsare iyo waardiyaal ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib baxsashada maxaabiistan, iyadoo qaarkoodna lagu soo oogay maxkamad Khamiistii.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu horeysay ee laga soo sheego xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More