Booliska oo shaaciyay khasaaraha weerarkii Pearl Beach

Jun. 10 (Jowhar.com)-Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray weerarkii xalay ay Shabaab ku qaadeen hotel ku yaalla xeebta Liido oo lagu magacaabo Pearl Beach.

Taliska Ciidanka Booliiska waxa ay sheegeen in qaraxa iyo dagaalkii tooska ahaa ee daba socday ay ku naf waayeen 6 muwaaddin oo shacab ah, 3 askari oo ka mid ah kuwii ku howlanaa badbaadinta dadka iyo dhaawaca oo gaaraya ilaa tobban qof.

Waxa ay sidoo kalr sheegeeb iney soo badbaadiyeen 84 qof oo shacab ah oo isugu jira caruur, Haween iyo dad waaweyn oo xiligaasi ku sugnaa goobta la weeraray.

Booliska wax xog ah kama bixin tirada dableyda maqaayada weerartay iyo sida ay goobta kusoo gaareen, maadaama baro lagu hubiyo gaadiidka ay buuxaan aagga goobta.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More