C C W “Madiera Cidna ma eryin ee isaga ayaa afkiisa isku eryey”

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ka hadlay talaabada ra’iisul wasaare Rooble uu dalka uga eryay Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Madiera, walow go’aankaas uu kahor yimid madaxweyne Farmaajo.

Mr. Warsame ayaa sheegay in madaxa howlgalka Amisom aaney jirin cid dalka ka eriday balse eeda talaabada ka dhanka ah ee xukuumada qaaday uu yahay mid uu isaga masuul ka yahay oo uu afkiisa eersaday.

“Waxaan kaloo xog ku haynaa in labo jeer oo la bedeli lahaa uu Farmaajo codsaday in xilka loo cusboonaysiiyo. Madeira si curfiga diblomaasiyadda ka baxsan oo aan sariig lahayn ayuu isku soo qaawiyey. Cidna ma eryin ee isaga ayaa afkiisa isku eryey” ayuu Facebookiisa ku daabacay.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa dhinaca kale wax lala yaabo ku sifeeyay in wakiilka midowga afrika ee dalkan aan la bedelin mudo 7 sano ah, iyadoo dhowr jeer isku dayo lagu doonayay in lagu bedelana uu diiday Farmaajo, iyadoo xubno mucaaradka kamid ah ay dacwo hore uga gudbiyeen.

“Ugu yaraan 3 safiir oo Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan, 3 Ingiriis ah, 3 Midowga Yurub ah, 3 Swedan ah iyo 3 Talyaani ah oo ka tirsan safiirada C6+ ayaa isbedelay 7dii sano ee uu Ambassador Madeira dalka joogay. Horay uma dhicin safiir Midowga Afrika ka socda oo 3 sano ka badan dalka joogay. Dhow jeer oo hore oo ay mucaaradku ka gudbiyeen ashtako la xariirta habdhaqankiisa xeerka diblomaaasiyada khilaafsan iyo xiriirka mugdiga leh ee kala dhexeeya madaxweynaha xilkiisa dhamaaday, Farmaajo ayaa daafacay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Cayrinta danjire Francisco Madeira ayaa timid shan bilood kadib markii sidan oo kale dowladda federaalka ay cayrisay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo oo la eryey 4-tii November 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More