Gaari looga shakisan yahay inuu qaraxyo swado oo gudaha u galay madaxtooyada Soomaaliya

April 07 (Jowhar.com)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari uu watay nin la dhashay Marwada koowaad ee dalka oo markii uu sii galayay Madaxtooyada Albaabka Gate One ka shakiyay Eeygii baarayay deetana ka cararay.

Sidoo kale waxaa lasoo sheegay in Eey labaad oo gaariga baarayay uu isna sidaas oo kale uga cararay, sidaas darteed ayuu tuhun weyn ka galay Ilaalada Madaxtooyada oo isugua jira AMISOM iyo Koofiyo Gaduuda.

Sida wararku tilmaamayaan, Koox miina baarayaal ah ayaa loo dalbay si loo xaqiijiyo in gaariga walxa qarxa ku xiran yihiin iyo inkale, waxaana gebi ahaanba la joojiyay gelitaanka iyo ka bixida Madaxtooyada Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili dhawaan NISA ay soo saartay warbixin shaki dhalisay oo ay ku sheegtay in Shabaab weerar ay ku tahay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, Shabaab ayaa eedaas iska fogeysay, waxaana jiray shaki ku aadan in bartilmaameedka kaliya uu yahau ra’iisul wasaare Rooble oo ay is hayaan madaxweynaha iyo lataliyihiisa amniga Fahad Yaasiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More