Cabdi Cali Kulane;”Sababta loo diley David Amess waa xiriirka uu la lahaa Qadar”

Ninka lagu tuhunsan yahay dilka David Amess adeerkiis Cabdi Cali Kulane ayaa sheegay in sababta kaliya ee qoysku u malaynayaan in laga yaabo in loo bartilmaameedsaday xildhibaanka ay tahay xiriirkii uu la lahaa Qadar.

Qoyska Sir David Amess oo looga shakisan yahay dilka Cali Xarbi Cali ayaa rumeysan in laga yaabo in xildhibaanka loo beegsaday xiriirka siyaasadeed ee uu la leeyahay Qatar.

Sir David wuxuu ahaa gudoomiyaha Kooxda Baarlamaanka u qaabilsan Qadar waxaana loo tixgeliyey inuu yahay siyaasiga Ingiriiska ee ugu dhow dalka waxaana wararkii hore ee warbaahintu soo jeediyeen cadho ka dhalatay doorkiisa ayaa laga yaabaa inuu qayb ku lahaa dilka.

Booliisku waxay baarayeen sababta qofka looga shakisan yahay dilka uu ka safray gurigiisa oo ku yaal magaalada Kentish ilaa Southend, aag isaga iyo qoyskiisuba aysan wax xiriir ah la lahayn.

Cali Xarbi adeerkii ayaa u sheegay wargeyska DailyMail in qoysku ay u malaynayaan in laga yaabo in Sir David lagu weeraray xiriirkii uu la lahaa dowladda Khaliijka, oo lagu eedeeyay inuu faragelin ku sameeysay siyaasadda Soomaaliya oo ay taageertay madaxweynaha mudo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isagoo ka hadlaya bannaanka guriga aabbaha Cali ee waqooyiga London, Cabdi Cali wuxuu u sheegay MailOnline: ‘Waxaan nahay qoys aad u siyaasada ku jira, Calina aad buu ula socday waxa Soomaaliya ka socda iyo ku lug lahaanshaha Qatar.”

‘Annagu wax xiriir ah lama lihin Southend, ma jiro qaraabo halkaas jooga mana hubo in midkeen xitaa uu halkaas u joogay safar maalmeed. Wax badan ayaan ka wada hadalnay qoys ahaan xiriirka kaliya ee aan dhidibnayna waa xildhibaannada taageersan Qadar. ‘ayuu sii raaciyay.

Wuxuu intaas ku daray: ‘Waan ognahay in booliisku ay eegayaan arrintan. Dhammaanteen aad ayaan uga naxay waxa dhacay waxayna nagu reebtay naxdin.

Mr Cali ayaa shaaca ka qaaday in doorka muranka dhaliyay ee Qadar ee Soomaaliya ay tahay wax ay si xamaasad leh uga hadlaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida.

‘Waxaa laga cadhaysan yahay sida Qadar ay u faragelinayso ganacsigeena.”

Sir David ayaa dalka Qadar ka soo laabtay laba maalmood ka hor inta aan la dilin, wuxuuna bartiisa Twitter -ka soo dhigay sawir isaga oo la kulmaya Amiirka Qadar 24 saac ka hor dilkiisii .

Cali aabihiis Xarbi Abii Kullane wuxuu hore u soo noqday kaaliye sare ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxayna qoysku xiriir aad u weyn ka dhex leeyihiin siyaasiyiinta awoodda badan ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan dhaliila doorka Qatar ee Soomaaliya.

Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter -ka 5 -tii Oktoobar, ayuu Mr Kullane ku tilmaamay ku lug lahaanshaha Qadar ee dalka ku yaal Bariga Afrika mid ‘caafimaad darro ah’ wuxuuna ku baaqay in joogitaankeeda ‘meesha laga saaro’.

Sir David wuxuu si cad uga hadlay xiriirka dhow ee uu la leeyahay Qadar oo xitaa waraysi uu siiyay BBC Radio Essex todobaadkii hore isagoo ka waramay socdaalkiisii ugu dambeeyay.

Xigasho;DailMail

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More