Cabdi Waayeel oo markale loo magacaaby Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug

Mar 28 (Jowhar.com) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shaqada dib ugu celiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac “Cabdi Waayeel .

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ahaa Kusime Madaxweyne ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) 29kii bishii May 2021kii kadib khilaaf ka dhashay qaabka loo dhisayo golaha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Hase yeeshee Cabdi Waayeel ayaa ka horyimid xilka qaadistaasi isagoo sheegay inaysan ahayn mid sharci oo uusan awood u lahayn Madaxweyne ku xigeenka Galmudug xilka qaadis balse uu leeyahay oo kaliya shaqo ka joojin.

Tan iyo xilligaasi ayaan jirin mas’uul loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More