Shariif Sheekh Axmed oo ku baaqay in la dhaariyo xildhibaanada la soo doortay

Mar 28 (Jowhar.com) –Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya haatana ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiyadda doorashooyinka in ay mas’uuliyadda qaataan lana dhaariyo Xildhibaanada si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Shariif Sheekh Axmed ku sheegay in dalka uu ku jiro xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin.

“Dalku waxa uu ku jiraa xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin, waxaa la ogsoonyahay amni darrada baahsan ee ka jirta wadanka iyo sida hay’adaha Amniga ay uga guuldaraysteen sugidda amniga iyo gudashada waajibkii loo igmaday.”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu Shariif Sheekh Axmed qoraalkiisa ku soo hadalqaaday walaaca laga qabo in hayada IMF iyo Bangiga Adduunka joojiyaan kaalmada dhaqaale ee ay ku deeqaan Soomaaliya.

“Hay’adihii dhaqaalaha ee dunida sida IMF and WB waxay walaac ka muujiyeen raad xumida ay reebi karto jiitanka doorashada oo ay ugu horeyso- In la hakiyo deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda Dalka.- In hannaankii dayn cafinta uu galo hakad ama dib u dhac soo kabashadiisu ay qaadato muddo dheer. Sidaa awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in si deg deg loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada waxaa sii kordhaya halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya,”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyntii waxa uu musharax Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta uu wa ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiyadda doorashooyinka in ay mas’uuliyadda qaataan lana dhaariyo Xildhibaanada si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More