Cabdulaahi Goodax oo lagu reebay wareega hore ee doorashada Beledweyne

Mar 23 (Jowhar.com) – WWareegga koowaad ee doorashada ka socota magaalada Beledweyne ayaa soo dhamaatay iyadoo uu ku haray wareegaas Wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdulaahi Goodax Barre.

Wareeggii koowaad ee doorashada Kursiga #HOP063 ayaa soo dhamaaday, waxaana Musharaxiinta ku tartamayay ee sagaalka ahaa u kala heleen cododka sidan:
1. C/llaahi Goodax Barre wuxuu helay 10 cod.
2. Cabdi Afrax Guure waxa uu helay Waxuu helay 2 cod.
3. Cabdirisak Macalin Ciid 20 cod.
4. Daahir Xaaji Aaden 32 cod
5. Ibraahim habeeb Nuur 5 cod
6. Xiireey Axmed Rooble 8 cod
7. Maxamed Iidle Sabriye 10 cod
8. Nadar Tabaax Maalin 9 cod.
9. Yoonis Khaliif Xasan 1 cod.
Wareegga labaad waxaa u gudbay C/risaaq Macalin Ciid iyo Maxamed Daahir Xaaji Aaden

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More