Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar

July 01 (Jowhar)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee caaso,ada Hirshabelle.

Cali Cabdulaahi Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhoweeyay Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan xubnaha labada gole ee Dowladda, Maamulka Gobolka, iyo kan degmada, Saraakiisha amniga iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoo safar dibbada ahna ugu kicitimay dalka Turkiga.

Wararka qaar ee ku dhow Madaxtooyada Hirshabelle ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle maalmaha soo socda uu ku dhawaaqi doono isbedel uu ku sameeyo golihiisa Wasiirada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More