Jarmalka oo cambaareeyay Duqeyn ay ciidamada Ruushka ka geysteen magaalada Odesa

July 01 (Jowhar.com)- Xukuumada Berlin ayaa si xoog leh u dhaleecaysay weeraradii Jimcihii la soo wariyay ee ka dhacay koonfur-galbeed ee Ukraine, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.

Afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka ayaa ku sheegay warbixin kooban in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo kuwa mas’uulka ka ah waa in lala xisaabtamo.

Adeegga Amniga Qaranka ee Ukraine (SBU) ayaa sheegay in tirada dhimashada gantaallada la sheegay in Ruushka uu ku garaacay gobolka Odesa ee koonfur-galbeed ee dalka Ukraine ay hadda marayso 19 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah.

Tirakoob hore oo ay soo saareen maamulka Ukraine ayaa lagu sheegay in 18 qof ay ku dhinteen weerarada.

38 qof oo kale, oo ay ku jiraan lix carruur ah iyo haweeney uur leh, ayaa la dhigay isbitaal ka dib markii ay ku dhaawacmeen weerarkan.

Waxaa lagu eedeeyay in duqeymaha Ruushku ay rideen saddexda gantaal ee X-22 kuwaas oo ku dhacay dhismo dabaq ah iyo laba xero. Hase yeeshee Dowlada Ruushka ayaa iska fogeeyay mas’uuliyadda weerarka.

Kremlin-ka ayaa meesha ka saaray wararka ka imaanaya saraakiisha Ukraine ee sheegaya in gantaalada Ruushka ay ku garaaceen xaafado ka tirsan magaalada Odesa subaxnimadii hore ee jimcaha, waxayna ku celiyeen sheegashadooda ah in Moscow aysan bartilmaameedsaneynin dadka rayidka ah.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku xasuusiyo ereyada madaxweynaha Ruushka ee ah in Ciidamada Qalabka Sida ee Ruushka aysan weerar ku ahayn dadka rayidka ah,” afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa warkan ka sheegay shir uu la yeeshay suxufiyiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More