Cali Guudlaawe oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Kabxanley

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Kabxanlay ee Waqooyiga Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah.

Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax walba ku xaliyaan wadahadal.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Kabxanley ayaa waxaa uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo sidoo kale burbur hantiyeed,waxaana ka barakacay guryahoodii qoysas faro badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More