Daalibaan oo ku dhawaaqday dhisme Dowlad kumeelgaar ah

Daalibaan ayaa ku dhawaaqday dowlad kumeel gaar ah oo uu hoggaaminayo Mohammad Hasan Akhund.

Shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay afhayeenka guud ee Daalibaan Zabihullah Mujahid ayaa ku sheegay in Abdul Ghani Baradar uu noqon doona ku -xigeenka hogaamiyaha halka uu Sirajuddin Haqqani loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha, Mullah Mohammad Yacquub, ina Mullah Omar, ayaa loo magacaabay wasiirka difaaca.

Afhayeenka Mujaahid wuxuu ku celceliyay in golaha wasiirradu ay yihiin xukuumad ku -sime ah iyo in sidoo kale kooxdu ay isku dayi doonto inay dadka ka qaadato qaybaha kale ee dalka.

Daaliban, oo xukunka la wareegtay bishii hore, ayaa la filayay inay ku dhawaaqdo dowlad tan iyo markii la soo gabagabeeyay daad-gureynta uu hoggaaminayo Mareykanka dhammaadkii bishii Ogosto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More