Cali Guudlaawe:”48 ruux ayaa ku dhimatay 108 kalana waa ku dhaawacmeen qaraxyadii Beledweyne”

Mar 24 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo ka hadlayay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in 48 ruux ay dhinteen 108 kalana ay ku dhaawacmeen.

Cali Guudlaawe ayaa tacsi u direy dhammaan ehelada iyo dadkii ay ka geeriyoodeen kuwii ku dhintey qaraxyadii xalay ka dhacay Beledweyne.

“Labada qarax ayaa kii hore waxa uu ahaa mid qof waxyaalaha qarxa isku soo xirey uu dhexda u galay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi halka qaraxa labaadna lala beegsaday dadkii u gurmaday kuwii waxyeelada ka soo gaartay qaraxa hore.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlawe.

Waxa uu Madaxweynaha Hirshabelle ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Beledweyne inay feejignaadaan inta ay socoto doorashada waxana uu ugu baaqay ciidamada ammaanka inay digtoonidooda kordhiyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More