Cali Jeyte oo balanqaad lacageed u sameeyay dagaal yahanada Shabaab.

Dec. 18 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa balan qaad maaliyadeed u sameeyay dagaalyahanada Shabaab ee ku sugan deegaanada ay kooxdaasi gacanta ku heyso.

Mr. Jeyte ayaa sheegay in qofkii Shabaab ah ee soo dila qof kale oo Shabaab ah uu siin doono lacag u dhexeysa 10 kun ilaa 30 kun oo Dollar, isla mar ahaantaasina cafis loo sameyn doono.

“Dadku waxay isweydiinayaan Cali Jeyte inuu lacagtaan ku hayaa? Anigu been ma aqaan, Cali Dheere iyo wax lamid ah hadaa soo dishaan 30 kun ayaan idin siinayaa, madaxweynaha ayaa sidoo kale idin cafi doona,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu ka dhabeynayo balanqaadkan, si lamid ah midkii uu hore ugu sameeyay ciidamadda macwuusleyda iyo kuwa xoogga dalka.

“Lacagtii aan ciidankeena u balan qaadnay ka badan ayaan u balan qaadayaa kuwa maleeshida ka tirsan, nin Shabaab ah hadii uu mid kale oo Shabaab ah soo dilo, waa 10 kun, cafisna waan u balan qaadayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Jeyte.

Xubnaha Shabaabka ah ee soo dilo saraakiisha kooxdaasi ayuu sidoo kale tilmaamay in lacag aad u badan la siin doono, wuxuuna ka dalbaday iney fursadan ka faa’ideystaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More