Ciidamada Dowlada oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Baraawe iyo Xudur

Ciidamada dowlada ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay degmooyinka Baraawe iyo Xudur oo ka tirsan dowlad goboleedka Koofurgalbeed.

Saraakiil u hadashay ciidamada ayaa sheegtay inay ka hortageen weeraradan oo mid ka mid ah lagu qaaday garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelllaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,iyadoo Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in ay jiraan khasaare badan oo la gaarsiiyay Al-Shabaab.

Dhinaca kale sarkaal u hadlay ciidamada ayaa sheegay inay jab xoog leh gaarsiiyeen dagaalamayaasha Alshabaab dagaal ka dhacay duleedka magaalada Xudur.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More