Boqor Buur-Madow oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Boqor Cismaan Ow-Maxamuud Buurmadow ayaa saaka lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb qaadan doona xulista ergooyinka dooraneysa Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Boqor Buurmadow oo dib uga mid noqday Odayaasha ee 135-ta ayaa bishii September door weyn ka qaatay xalintii khilaafkii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana heshiis ka gaareen hannaanka doorashada xubnaha labada aqal ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somalilanda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More