Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano duleedka ka ah Dhuusamareeb

Warar kasoo baxay war baahinta dowladda ayaa waxa lagu sheegay in Ciidamada Dowlada Federaalka ay si rasmi ah ula wareegey gacan ku heynta Deegaanada koonfureed ee Magaalada Dhuusamareeb.

Idacaada ku hadasha afka ciidanka dowladda ayaa sheegtay in deegaanada Sinadhaqo iyo labi-dulle oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Alshabaab ay la wareegeen ciidanka dowladda.

Waxaana dowladdu ay sheegtay in al-shabaab ay halkaasi ka soo abaabuli jiray falalka arbushaada ah ee dhaca jidka iskuxira degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka galgaduud .

Ciidamada Dowlada ayaa la sheegay in si rasmi ah ula wareegey fariisimihii al-shabaab oo ay kujiraan saanad Ciidan , Waxaana aagaan ka dhacey dagaalo culus oo qasaaro badan uu ka dhashay dowladduna ay sheegtay in Alshabaab ay gaarsiiyeen.

Taliyaha Guutada 15-aad, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Gen: Mascuud Maxamed Warsame oo ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkan ayaa tilmaamey in Ciidamadu ay wali kusii raad joogaan dagaalamayaasha ka tirsan al-shabaab oo ka baxsaday sida uu hadalka u dhigay

Waxaana uu sheegay in aysan ka hari doonin goobaha ay ku suganyihiina ay uga daba tagayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More