Saraakiisha xoogga dalka ee Awdhiigle oo soo bandhigay meydadka 75 ah

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Awdhiigle ee gobolka Shabelaha hoose ka tirsan ayaa soo bandhigay meydadka 75 kamid ah maleeshiyaadka Al Shabaab.

Kuwaas oo looga dilay weerar ay isku dayeen inay shalay ku qaadaan fariisimo ciidanku Xooga dalka Soomaaliyed halkaas ku leeyahay.

Tiro kale oo badan ayaa dhanka kale looga dilay Bariire, kuwaas oo la rajaynayo in saacadaha soo socda la soo bandhigo.

Alshabaab ayaa dharbaaxo aysan ka soo waaqsan karin kala kulmay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More