Ciidamada Itoobiya oo la wareegay wadada isku xirta magaalooyinka Waldiya iyo Maqale

Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa waxa ay ku sii durkayaan deeganada gobolka Tigrey kadib markii ay sheegeen inay la wareegeen waddada halbowlaha ah ee isku xirta Waldiya iyo Maqale.

Warkan oo ii baahiyay telefishiinka dowladda ee EBC ayaa sheegaya iney ciidamadu dagaal maalmihi u dambeeyey ay la galeen TPLF oo ka socday jiidda hore ee bariga dalkaasi iney ku qabsadeen waddadaasi.

Sida oo kale ciidamadu waxay sheegeen iney qabsadeen buuraha silsiladda ee Zoble oo iyo mgaalooyinka ku hareereysan sida Orjo, Fokiso iyo Booran.

Fallaagada TPLF dhankooda waxay dagaal qaraar u galeen sidi ay waddada Waldiya iyo Maqale isku xirto ay u dfaacan lahaayeen si aan loga qabsan balse ugu dambeynti dagaalka looga awood roonaaday.

.
Waddada ay ciidamada Itoobiya sheegeen iney TPLF ka qabsadeen ayey ku sheegeen iney go’doomineyso ciidamada fallaagada TPLF ee gudaha deegaanka Amxaarada ka dagaallamaya, saanaddi ciidan iyo maleeshiyaadki dhanka Maqale uga iman jirayna ay waayayaan wadda ay u soo maraan.

Ciidamadu waxay intaa ku dareen jiidda hore ee Wuchaale iney ku qabsadeen deegaannada Robiit, Golbo, Warabaabo, iyo Mile Koticha.
Ciidamada Itoobiya oo maalmihi u dambeeyey guulo badan dagaalka ka soo hoyayey waxay sheegeen inay hadda ku sii jeedaan deegaanka Marsa oo weli gacanta fallagada TPLF ku jira.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda wuxuu bartiisa facebook ku soo qoray iney ciidamadooda u ruqaansadeen dhanka magaalada Gaashana.

Isaga oo intaa ku daray iney u egtahay iney ciidamadooda meel istaajin kartaa jirin ilaa ay cadowgu ku dhawaaqaan dagaalka iney joojiyeen.

Isaga oo farriintiisa ku soo afmeeray su’aal ah, isku day inaad ogaato halka xiga ee ay ciidamadooda ku istaagi doonaan.

Ciidamada dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayey Abiy Axmed labadi toddobaad ee ugu dambeeyey dagaalki ay TPLF la galeen waxay ka soo hoyeen guulo la taaban karo iyaga oo magalooyin badan oo ay TPLF qabsadeen dib uga qabsaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More