Ciidamada NISA oo howlgal ka sameeyay xaafadaha Degmada Beled Xaawo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal balaaran oo Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ka sameeyeen xaafado kamid ah degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Sida wararku sheegayaan howlgalka oo ahaa amni xaqiijin waxaa si gaar ah looga sameeyay Suuqa Beled Xaawo, halkaasoo la arkayay iyagoo dusha ka eegaaya gaadiidkii suuqaasi dhex marayay.

Saraakiisha howlgalkan horboodeysay ayaa ganacsatada ka wareysaneysa dhibaatooyinka ay qabaan ee ka dhanka ah amaankooda, iyagoo u balan qaaday in wax laga qaban doono amni daro waayadii danbe laga soo sheegayay gudaha magaalada, kuwaasoo intooda badan dhaca xiliyada habeenkii.

Si kastaba, Dowladda Somaliya ayaa bishii March ee sanadkii 2020, markii ugu horeysay cutubyo ka tirsan Xoogaga NISA waxaa ay gaysay degmadaasi, waana billo ka dib doorashadii dib loogu soo doortay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More