Ciidamada oo la wareegay dhammaan maamulka gobolada dalka Guinea

Askartii dhawaan la wareegtay talada dalka Guinea ayaa xoojiyay la wareegitaankooda kadib markii saraakiil ciidan ah ay la wareegeen maamulka siddeedda gobol ee dalka.

Dalalka Galbeedka Afrika ayaa ku hanjabay cunaqabateyn la xiriirta afgembigii Madaxweyne Alpha Conde, oo xilka hayay markii saddexaad markii uu beddelay dastuurka si uu u oggolaado, taasoo mucaaradka ay ku tilmaameen sharci darro.

Madaxda gobolka ayaa kulmi doona si ay uga wada hadlaan xaaladda maalinta Khamiista.
Hoggaamiyaha inqilaabka Mamady Doumbouya, oo ah sarkaal madax ka ahaa ilaalada madaxtooyada ayaa ballanqaaday dowlad ku -meel -gaar ah oo midnimo qaran ah uu dhisi doono

Hase yeeshee illaa hadda Mamady ayaan cayimin waqti uu ku dhawaaqi doono xukuumada.
Kacdoonkii Axaddii, oo Conde iyo siyaasiyiin kale oo sarsare lagu xiray ama loo diidey inay safraan, ayaa ah kii saddexaad tan iyo bishii Abriil ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, taasoo sare u qaadday welwelka laga qabo in dib loogu laabto xukunkii millateriga.

Caasimadda Guinea ee Conakry ayaa degen maanta iyadoo la qaaday qaar ka mid ah isbaarooyinkii milateriga markii talisku uu bilaabay inuu xoojiyo qabsashadiisa.

Telefishinka dowladda ee RTG ayaa baahiyay sawirrada Jeneraal Aboubacar Diakite oo xilka kala wareegay taliyihii rayidka ahaa Sadou Keita ee gobolka Kankan, oo ah xarunta doorashada Conde.

Inqilaabku wuxuu kiciyay walaac ku saabsan sahayda bauxite, oo ah macdanta ugu weyn ee aluminium, oo laga soo saaro dalka Guinea, ahna soo saaraha labaad ee ugu weyn adduunka.

Tobankii sano ee uu xukunka hayey, Conde wuxuu ku hagi jiray Guinea kobcin dhaqaale, laakiin shaqo la’aantu weli way sarraysay.

Jahwareer ayaa ka dhashay mudaaharaadyo sannadkii hore markii uu goostay inuu raadsado mar saddexaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More