Ciidamada Uganda oo toogasho ku diley wadaad muslim ah

Ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa toogasho ku dilay wadaad Muslim ah oo lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay koox hubeysan oo lala xiriirinayo qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimadda Kampala.

Saraakiisha ayaa sheegay in Sheikh Muhammad Abas Kirevu uu u shaqaaleysiiyay unugyo ay maamulaan Allied Democratic Forces (ADF) – fallaagada kuwaas oo ballan qaaday in ay daacad u yihiin kooxda dowladda Islaamiga ah.

Booliska ayaa sheegay Khamiista in Sheikh Muhammad Abbas Kirevu lagu toogtay Nsangi, oo ka tirsan degmada Wakiso ka dib markii ay boolisku isku dayeen inay soo xiraan balse uu la dagaalamay.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacday magaalada Kampala.
In ka badan 30 kale ayaa ku dhaawacantay weerarka, oo IS ay sheegtay inay ka dambeysay, waxaana saraakiisha ay ku eedeeyeen ADF.

Jabhadda Islaamiga ah ee ADF ayaa lagu aasaasay Uganda sagaashamaadkii balse hadda waxay saldhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Tan iyo markii ay u ballanqaadeen inay daacad u yihiin IS sanadkii 2019, waxa ay si isa soo taraysa weeraro ay ku fulinaysay magaca kooxda.

21 qof ayaa la xiray tan iyo weerarkii Talaadadii, iyadoo booliisku ay ku tilmaameen burburinta unugyada argagixisada ADF ee Kampala iyo guud ahaan dalka.

Afhayeenka booliiska Fred Enanga ayaa sheegay in 13 tuhmane oo ay ku jiraan dhowr carruur ah la qabtay xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan xadka DR Congo.

Sidoo kale Arbacadii, afar looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ADF ayaa lagu dilay meel u dhow xuduudda.

Waxaa ay ciidamada sidoo kale ku raad joogaan wadaad kale oo lagu magacaabo Sheekh Suleymaan Nsubuga, kaas oo lagu eedeeyay in uu tababaray argagixisanimada, xagjireynta dadka la qorayo, iyo bixinta agabka lagu sameeyo walxaha qarxa.

Weerarkii Talaadadii ayaa ahaa kii ugu dambeeyay tiro qaraxyo ah oo dhawaan ka dhacayay Kampala.

Bishii la soo dhaafay, gabar 20 jir ah oo kabalyeeri ah ayaa la dilay ka dib markii qalab looga dhex tagay bac laga dukaameysto, lagu qarxiyay baar ku yaalla magaalada.

Maalmo ka dib dhowr qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay gaari bas ah oo marayay meel u dhow Kampala. Booliisku waxay sheegeen in labadoodaba lala xiriiriyay ADF.

Qaraxyadii Talaadadii dhacay ayaa astaan ​​u ahaa weerarkii ugu weynaa ee lala xiriiriyo ADF ee Uganda tan iyo markii ay xiriirka la sameeysteen IS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More