Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Libiya oo dalka dib loogu soo celiyay

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo sanado ah ku xayirnaa Xabsiyada ku yaala dalka Liibiya ayaa maanta qaarkood dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho .

Dhallinyaradan oo tiro ahaan gaaraya 10 ruux, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Dhallinyaradan ayaa ka baxsaday xabsiyadii magafeyaasha iyagoo iska dhiibay Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si dalka loogu soo celiyo, kuwaas oo xiriir la sameeyay Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Munaasabadda soo dhoweynta soo si heersare ah looga soo shaqeeyay ayaa waxaa Wasiirka Amniga ku wehlinayay, Wakiilo ka socday Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ambassador Mariam Yaasiin, iyo Wakiilo Safaaradda Soomaliyeed dalka Libya, Hay’adda IOM iyo hay’adda Qaxootiga ee QM ee UNHCR.

Todobaadka soo socda ayaa waxaa la qorsheynayaa in dalka dib loogu soo celiyo ku dhawaad 30 kale oo dhallinyaro ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More