Ciidamadda Xoogga dalka oo la wareegay deegaano cusub oo ka tirsan Mudug

Dec 19 (Jowhar.com)-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa saaka la wareegay Deegaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Deegaanada ay Ciidamado la wareegayn ayaa kala ah Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali xayloow kuwaas oo dhammaan hoostaga magaalada Caad.

Saraakiisha Ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wali uu socdo howlgalka islmarkaana Shabaab lagu baacsanayo Dhulka howdka ah.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More