Ciidamo Milatari ah oo lagu diley degmada Wanlaweyn

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo la xiriira ciidamo milatari ah oo lagu diley degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in afar ka mid ah ciidamo ku sugnaa bar koontarool la diley halka qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Dilka ciidamadan ayaa waxa ka dambeeyay sida ay sheegeen dad ku sugan Wanlaweyn inay geysteen dabley hubeysan oo u abaabulan maleeshiyo beeleed.

Xiisad ka dhalatay dilka ciidamadan ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo gaadiidka iyo weliba ganacsiga magaalada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/hoose iyo kan dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Dilka loo geystey ciidamadan milatariga ayaa noqonaya kii labaad oo ay maleeshiyo beeleed ay dilaan 24kii saac ee ugu dambeysay iyadoo shalay ciidamo milatari ah lagu weeraray deegaan ka mid ah gobolka Galgaduud ee Galmudug iyadoo illaa lix sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka la diley.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More