Codeynta Guddoonka Golaha Shacabka oo bilaabatay

April 27 (Jowhar.com)-Waxaa haatan si toosa u bilaabantay doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya, iyadoo uu shirka golaha uu furay guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka Cabdisalaan Liibaan Dhabancad.

Kulanka lagu dooranayo shirguddoonka golaha ayaa si habsami ah u socda, waxaa ugu horrayn la ansixiyey ajandaha kulanka iyo habka codayntu u dhacayso.

Waxaa la dhaariyay labo xildhibaan oo kala ah Yaasiin Farey iyo Cali Gaab oo dhawaan lagu soo doortay Jowhar. Waxaa fadhiya oo codeynaya illaa 240 xildhibaan.

Guddoomiyaha KMG ayaa sheegay in xildhibaanadii laga soo doortay Ceel Waaq aysan codeyneyn maadama aysan haysan Kaararkii aqoonsiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More