Daahir Geelle iyo Cabdi Faarax Shirdoon oo ka wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xalay kula kulmay magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyagoo ka wadahadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen marxaladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray, xaaladda uu hadda ku sugan yahay iyo muhiimadda ay leedahay in si wadajir iyo iskaashi leh mustaqbalka loo wajaho, iyada oo ay hormuud ka yihiin garaadlayda Soomaaliyeed.

“Waxaan salaan sharafeed caawa ugu tagay Ra’iisalwasaareheenni hore Mudane Abdi Farah Shirdon oo ah oday Soomaaliyeed oo rugcaddaa ah oo qaranka usoo shaqeeyay, Wuxuu ahaa kulan miradhal ah oo guul ku soo idlaaday.” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa musharixiin uu kamid yahay Daahir Geelle waxaa ay Magaalada Muqdisho ka wadaan kulamo looga hadlayo caqabadaha weli heysta doorashooyinka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More