Qaali Guhaad;”Gabadhayda Ikraan Tahliil ma dilin Alshabaab.”

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax, ayaa gaashaanka u daruurtay in gabadheeda ay dileen ururka Al-Shabaab.

Warka dilka Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa xalay fiidkii lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, kaas oo tilmaamay in ururka Shabaab ay afduubteen gabadhaas kaddibna ay dileen, iyadoo aanan lagu darin wax faafaahin ah oo intaasi dheer.

Hase yeeshee hooyo Qaali ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay isaga leexineyso mas’uuliyada gabadheeda , iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay.

Waxa ay ku adkaysanaysaa in illaa hadda uusan jirin war cad oo qeexaya xaalka gabadheeda geeri iyo nolol toona.
Warka ka soo baxay dowlad ee lagu sheegay in Ikraan Tahliil ay dileen ururka Alshabaab ayaa waxaa ka hadlay dad badan oo arrintan ku tilmaamay mid been abuur ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More