Daahir Maxamuud Geelle oo ku baaqay in la sii daayo Weriye Cabdulaahi Kulmiye

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in la sii daayo Weriye Cabdulaahi Kulmiye.

Hoggaamiyaha xisbiga Danqaran ahna Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in aysan habooneyn in aan awooda Dowladda lagu takri falo loona baahan yahay in xariga wariyaha lasoo maro Sifo Sharci ah.

Qoraal uu soo saaray Daahir Maxamuud Geelle ayaa u qornaa sidan;

Xurriyad ka xayuubinta muwaadinka Xeer ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga yaalay Xirfadle in xirfaddiisa lugu xiro sidoo kale waxay eheed xaaraan aan xeer bannaynayaa jirin mid xarrimaya mooyee.

Dhaqanka dawladinimada waxaa ka mid ah in xeerarka la raaco lana dabaqo. Guri iskugu daadashada, albaab isku jebinta iyo isku guurayntuna waa dhaqamada lugu yaqaano jabhadaha waxayna suurad xumaynaysaa dawladnimada.

Xukuumadda Madaxwayne Farmaajo xeerarka dalka ma xeeriso, waxaa jira dhacdooyin tixane ah oo ka dhan ah sharafka dawladnimida iyo xeerarka dalka.

Falka Weriye Cabdullahi Kulmiye oo gurigiisa ay ugu dheceen ciidamo xilli habeen ah waa fal lid ku ah sharciga dalka oo u baahan in la saxo lagana dhiidhiyo.

Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed qodobkiisa 44aad, faqradiisa 3aad wuxuu xarrimaysaa 6da maqribnimo illaa 7-da subaxnimo in waaran xarig ah loo geeyo muwaadin, iskabadaa in gurigiisa loo dhaco saq-dhexe ayadoon la wadan wax waaran ah.

Dawladdu waa dawladdeenii maahan jabhad na haysta, dawladdu waxay haysataa sharciyad ay dadka ku xirto kuna xeer-mariso, maxay tahay waxa dawladda ku qasbayaa in ay tuugaysato oo ay saq-dhexe dadka albaabada ku jebiso.

Waxaan ku baaqayaa in Wariye Cabdullahi Kulmiye si deg deg ah xurriyaddiisa loo siiyaa haddii dembi lagu tuhmaa loo maro hab sharci ah, ciddii falkaas gaysatayna sharciga la marsiiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More