DANAB oo Galgaduud ku dishay sarkaal Shabaab ah oo hore maxkamad dil ugu xukuntay

Jun. 16 (Jowhar.com)-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen inta u dhexeeysa magaalada Galcad iyo degaanka Baraag Sheekh Caamir ku dilay horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan, sarkaalka Shabaabka ah rr la dikay waxaa lagu magacaabaa Cali Axmed Guure, wuxuuna caan ku ahaa magaca Cali Qoyane, sida uu Warbaahinta dowladda u xaqiijiyay mid kamida saraakiisha ciidanka xooga daoka.

Taliye ku-xigeenka Ururka 7 aad Guutada 16 aad ee Danab Xidigle Maxamed Xasan Abuukar ayaa sheegay in howlgalkan uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.

Horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane) ayaa isagoo maqana ah horay Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil, waxuuna ka kamid ahaa horjoogayaasha ugu halisan ee dadka Soomaaliyeed dhibka badan ku hayay.

Si kastaba, Howlgalka lagu dilay horjoogahaan ayaa sidoo kale la tilmaamay in ciidanka dowladda ay kusoo furteen gaari noociisu yahay NOHA iyo hubkii ay wateen horjoogahan iyo xubnaha kale ee lagu dilay howlgalka qorsheysnaa ee ka dhacay Galgaduud

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More