Shirka 4aad ee Wadatashiga Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo la soo gabagabeeyay

Jun. 16 (Jowhar.com)-Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir oo socdey 12ka illaa 16ka Juun 2023 ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee DFS ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada shirkani waxay ahayd in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federal iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif,Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Koonfur Galbeed,Mudane C/llaahi Shiikh Daahir,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Galmudug Mudane Muxyadiin Sh C/llaahi Osman, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee HirShabeelle,Mudane C/fitaax Xasan Faarax,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jubaland, ahna kusimaha Wasiirka Mudane Saacid C/llaahi Maxamed,Agaasimaha Guud ee WI&T Mudane Cabdi’asiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Agaasimaha Waaxda Teknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Benaadir Mohamed Adirahman Yabarow,Lataliyeyaasha WI&T, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS,lataliyeyaal iyo hawlwadeenno kale.

Falanqayn iyo dood ka dib waxaa Shirka 4aad ee Wadatashiga laga soo saaray qodobadan hoos ku xusan.

Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahadceliyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kulankan wadatashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulammada nuucan oo kale ah.

Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ay ku tallaabsatay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah lagana faa’iideysto dhammaan howlaha hor-yaalla.

In Mashaariicda iyo dhammaan Horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida:- Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More