Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho iyo banaanbax socda

Feb. 15 (Jowhar.com-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidanka Milatariga ay degmada Xamar Jajab ku dileen wiil dhalinyara ah oo watay Mooto Bajaaj.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamadda dilka geystay oo laba askari oo Milatari ahaa ay wateen Mooto nooca loo yaqaano Vikon ee labada lugood ah, iyagoo dilka kadib ay goobta si nabad ah uga baxsadeen.

Wadayaasha kale ee Mooto Bajaajta ayaa banaanbax culus ka sameeyay halka dilmla uu ka dhacay, iyagoo laamaha amaanka ka dalbaday inuu cadaalad helo wiilka dhalinyarada ah ee sida gardarada ah loo dilay.

Meydka marxuumka ayaa markii danbe la geeyay xarunta baarista dambiyada ee C.I.D, halkaasoo sawirran looga qaaday si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Si kastaba, taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa dhawaan ku goodiyay in askarigii wax dila ee baxsada uu u xirmayo askarta kale ee ku sugan halka dilka uu ka dhacay hadeysan qabanin gacan ku dhiiglaha, balse amarkaasi ciidamadda muusan ka hor-istagain iney sii wadaan daadinta dhiiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More