Dawlada Soomaaliya oo xaqiijisay inay u dirtey $12.7 milyan Maamulka Somaliland

April 06 (Jowhar.com)- Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay maanta guddiga gurmadka suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa u dirtay lacag gaareysa 12 milyan iyo 700 kun oo dollar.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bartiisa ku shaaciyay in lacagtaa la direy.

Waxa ay lacagtan ka kooban tahay 11 milyan iyo 700 kun oo ah lacag loogu talo-galay barnaamijyada horumairnta Somaliland iyo 1 milyan oo dollar oo ay bixisay dowladda federaalka.

Madaxwenaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna maanta jeediyey baaq caalami ah oo ku codsanayo lacag dhan 2 bilyan oo dollar oo lagu gargaaro 5 kun oo ah goobo ganacsi oo yaryar, kuwo dhexe iyo kuwo waaweyn oo uu saameeyey dabkii baabi’iyey suuqa Waaheen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More