Gudoomiye Mursal “Koofur Galbeed oo maqan baarlamaanka lama dhaarin karo”

April 06 (Jowhar.com)-Gudoomiyihii golaha shacabka baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa caawa markii u horeysay ka hadlay khilaafka u dhexeeya Xukuumadda iyo maamulka Koofur Galbeed ee maalmihii la soo dhaafay cirka sii galayay.

Mursal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney muhiin tahay in la dhageysyo tabashada ay qabaan reer Koofur Galbeed si loo sii amba qaado socod siinta howsha dalka lagu gaarsiinayo doorashada gudoonka baarlamaanka iyo tan madaxtooyadda.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa afka ku balaariyay inaan xildhibaanada la dhaarin karin iyadoo ay maqan yihiin mudanayaasha Koofur Galbeed, wuxuuna ku baaqay in loo istaago sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa tabashada xiligan taagan.

“14 bishaan ayey ahayd xilliga lagu ballamay in la dhaariyo xildhibaanada golaha shacabka haddi koonfur galbeed ay ka maqan tahay lama dhaarin karo dalka waa federaal.Waxaan leeyahay dowlad goboleedyada xalliya khilaafka soo kala dhex galay saaxiibadiin Ra’iisul-wasaare Rooble iyo Koonfurgalbeed” ayuu yiri Mursal

Si kastaba, Mursal oo dadka qaarkii ay rumeysan yihiin in laga soo hadal siiyay ayaa warkiisa waxa uu ku soo beegmayaa xili 14-ka bishan loo balansan yahay dhaarinta xildhibaanada waxaana meel muhiim ah mareysa howsha shahaada siinta xildhibaanada oo maanta maalinkii 5-aad gashay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More