Kulane Jiis oo qaadashada shahaada xildhibaanimo uga mashquulay abaabulka ciidan uu ka wado Gedo.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay halkaasi ka wadaan Madixii Shaqaalaha Hay’adda sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Aadan Kulane iyo Bakool Kooke oo ah taliyaha NISA ee Gedo, iyadoo dhaq dhaqaaqyadan ay yihiin kuwo ka dhan ah kuraasta taala gobolkaasi.

Wararka la helayo waxa ay sheegayaan in xubnahan ay halkaasi ka wadaan abaabul ciidan iyo qorista askar cusub, warar kale oo aan la xaqiijinna waxey tilmaanayaan iney halkaasi ku sugayaan ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo qaarkood la keenayo halkaasi si ay qeyb uga noqdaan qorshaha kooxda Farmaajo ay ku doonayaan iney ku boobaan 16-ka kursi ee Garbahaareey.

Dad xog-ogaal ah waxey sidoo kale warbaahinta gudaha u sheegeen in garoomada Dooloow iyo Garbahaareey ay todobaad kasta ka soo degaan diyaarado hub culus iyo saanad ciidan wada, kuwaasoo aan la ogeyn waxa laga damacsan yahay, iyadoo hubka dadkii loogu tala galay in lagula dagaalamo oo Shabaab ahaa ay dharaar cad weerar ka geysanayaan xerada Xalane.

Cabdullaahi Aadan Kulane ayaa qaadashada shahaadada xildhibaanimo ee bixineyso FIET kaga mashquulay arrimo uu u dirsaday madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday, xili maalintii 5-aad ay xarunta guddiga doorashada heer federaal ee Muqdisho ka socoto qaadashada shahaadada,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More